Saturday, April 18, 2026
HomeWararGudahaHowlgallo ka dhan ah Dadka Dhirta u roga Dhuxusha oo ka socda...

Howlgallo ka dhan ah Dadka Dhirta u roga Dhuxusha oo ka socda Gobolka Mudug

Ciidamada ammaanka ee Gobolka Mudug gaar ahaan Booliiska ayaa howlgallo ka dhan ah Dadka Dhirta u baddela Dhuxusha ka sameeyay Deegaanno hoostaga Magaalada Ceeldibir ee Bariga Gobolkaas ee Dowlad-Goboleedka Galmudug.

Inta uu howlgalka socday waxa ay Ciidamo qabteen Dad ku howlanaa xaalufinta dhirta, Gaari lagu raray dhuxul la diyaariya iyo Dhir cusub oo xiligaas u duugnayd in loo baddelo Dhuxul, waxaana ay gubeen Aqallada ay degenaayeen Dadkaas.

Booliiska Gobolka Mudug ayaa digniin u diray Dadka ku howlan xaalufinta dhirta oo dhibaato ku ah Deegaanka isla markaana sababaya nabaad-guur iyo abaaro saamayn taban ku reeba Xoolaha iyo Dadka sida hadalka loo dhigay.

Maamulka Gobolka Mudug ee Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa horay u mamnuucay xaalufinta Dhirta, waxa uu ku hanjabay in uu qaadayo tallaabo ka dhan ah Dadka ka dhega-furaysta u hoggaansamidda awaamiirtaan.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe