Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa la sheegay inuu diiday mooshin xil ka qaadis ah oo laga gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayna gudbiyeen xildhibaano ka badan 120 mudane sida uu sheegay Xildhibaan Dahir Amiin Jeesow.
Mooshinkan oo ay gudbiyeen qaar ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa la sheegay inuu xambaarsanaa eedeymo culus oo loo jeediyay Madaxweynaha, hase yeeshee Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ka gaabsaday inuu aqbalo isla markaana u gudbiyo habraaca sharciyeed ee loo maro mooshinnada noocan ah.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka, ayaa xusay in Guddoomiye Aadan Madoobe uu si cad u diiday mooshinkaasi, isaga oo ku sababeeyay arrimo la xiriira xaaladda siyaasadeed ee dalka, waxa uu ku garnaqsaday Aadan Madoobe inuu ka baqayo hadii Mooshinkaasi qabto inuu dagaal kaga yimaado dhinaca Madaxweynaha sida uu xusay Jeesow.
Daahir Amiin Jeesow ayaa shaaca ka qaaday in Guddoomiyuhu sheegay inuu hadda dagaal uga furan yahay dhinaca Maamulka Koonfur Galbeed sidaas darteedna uusan isku furi karin dagaal kale oo mooshinkaasi ku qabanayo.
Sidoo kale, xildhibaanka ayaa muujiyay walaac ku aaddan xaaladda Guddoomiyaha Baarlamaanka, isaga oo sheegay in Aadan Madoobe uu wajahayo cadaadisyo iyo cabsi la xiriirta xaalado ka taagan deegaanada Koonfur Galbeed, halkaas oo uu sheegay inuu ka socdo khilaaf siyaasadeed oo saameyn ku leh go’aamada la qaadanayo.

