Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Maxamed Xuseen Maxamed ayaa maanta si adag uga hadlay xaalada amni daro ee ka jirta guud ahaan xaafadaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Guddoomiye Maxamed Xuseen ayaa digniin adag u diray shaqsiyaadka aan ka tirsaneyn ciidamada dowladda ee hubka sida sharci darada ah ugu dhex wata gudaha magaalada Baledweyne.
“Maanta kadib ma ogolin in magaalada lagu dhex qaato qori, qofkii qori Magaalada ku dhex qaata wajibkeena ayaan ka gudanaynaa, cid wax naga weydiin kartana ma jirto, askarigii asna shaqo laheyn oo la lagu qabto ciqaabta ciidanka ayuu mari doona” ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Hiiraan Maxamed Xuseen Maxamed.
Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale xusay inaan wax la aqbali karo aheyn in habeen walba qof lagu dhex dilo gudaha magaalada Baledweyne.
“Subax kasta waxaan maqalna wiil hebel ayaa Xalay la dilay oo lasoo aasaya, suurtagal maha in maalin walba qof macna daro lagu dilay la soo aaso, kii dilayna Nabadoona uga daba imaadaan xabsiga, Nabadoonada waxaan leeyahay dambiilaha haka daba imaanaha ee aan amniga ka wada shaqeyno” ayuu yiri guddoomiye Maxamed Xuseen Maxamed.
Hadalka guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa kusoo aadaya, iyadoo labadii habeen ee lasoo dhaafay gudaha magaalada Baledweyne lagu dilay wiilal dhalinyaro ahaa oo aan waxba galabsan, islamarkaana amniga magaalada uu ahaa dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay mid aad u xun.

