Madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu Hassan oo ku dhawaaqday Xukuumaddeeda ayaa Golaha Wasiirrada waxa ay ka reebtay Xuseen Maxamed Baashe oo Soomaali ah balse ku dhashay Dalkaas kana mid ah Ganacsatada Dalkaas dhaqaalaha badan haysta.
Xuseen waxa uu ku dhashay Magaalada Tabora ee Gobolka Nzega Dalka Tanzania 26kii Agoosto sanadkii 1975tii, waxa uu kaalin weyn ku leeyahay waxsoosaarka Dalkaas isaga oo qiimeynta ka gaaray in 65% uu door firfircoon ku leh kobaca beeraha.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha ayuu horay usoo noqday markii dambe waxaa loo baddelay Wasiirka Wasaaraddaas, waxaa la sheegaa in siyaasad ahaan ay aad isugu dhow yihiin Samia Suluhu Hassan kana shaqeeyay dib usoo laabashadeeda.
Xuseen Maxamed Baashe ayaa la filayay in uu dib ugu soo laaban doonno liiska Golaha Wasiirrada balse waa laga waayay, wasiirrada waxaa kasoo muuqday xubno badan oo qoyska iyo xididka Madaxweynaha Tanzania ah.
Xisbiga Talada haya ee CCM ayuu kamid yahay waana Xildhibaan, dhaqaalaha uu haysto waxa uu 24% kasoo galaa waxyaabaha laga dhoofiyo Dalkiisa, saddex meelood labo marka loo dhigo Shacabka Tanzania waxa ay ku tiirsan yihiin waxsoosaarka Beeraha.
Dhaqaalaha gaarka ah uu Haysto Xuseen Maxamed Baashe waxaa sanadkii 2021kii lagu qiyaasiyay in ay gaarayso $3 ilaa $5 Milyan oo doollar, waxa uu ka sameeyay waxsoosaarka Beeraha maadaama uu diiradda saaray fursaddaas.
Dhanka kale, Madaxweyne Samia waxa uu xilal ku saftay xubnaha qoyskeeda sida Gabadheeda, Wiilka ay sodohda u tahay iyo xubno kale, waxa ay tani dhalisay falanqayn iyo hadal hayn xooggan oo arrintaas la xiriirta.

