Monday, November 17, 2025
HomeWararGudahaMadaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland oo Ku Baaqay Wada-tashi Qaran oo Deg-deg ah si...

Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland oo Ku Baaqay Wada-tashi Qaran oo Deg-deg ah si Loo Badbaadiyo Midnimada Dalka

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aaden, ayaa qoraal uu ku baahiyey boggiisa Facebook ku muujiyey walaaca sii kordhaya oo uu sheegay inuu ka dhex jiro hay’adaha siyaasadda dalka, isaga oo tilmaamay in Soomaaliya wali la daala dhaceyso caqabado culus oo u baahan xal qaran oo mideeya.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa xusay in aan weli dalka helin hoggaan danta guud ka hormariya danaha gaar ahaaneed, arrintaas oo uu ku tilmaamay mid hor taagan dib u dhiska dowladnimada iyo kalsoonida shacabka.

Qoraalkiisa, Maxamuud Sayid Aaden wuxuu soo jeediyey saddex qodob oo uu ku sheegay inay yihiin kuwa deg-deg u baahan in la qaado, si looga hortago kala fogaanshaha siyaasadeed ee soo xoogeysanaya.

Marka hore Wuxuu ku baaqay in la isugu yimaado shir aan shuruudo lahayn oo ay ka soo qayb galaan hoggaamiyeyaasha Golaha Wada-tashiga Qaranka, si looga wada hadlo ajandayaasha masiiriga ah ee khilaafaadka dhalinaya, Shirku, ayuu yiri, wuxuu horseedi karaa go’aanno mideeya dalka.

Madaxweyne Ku-xigeenku wuxuu sheegay in musharaxiinta u tartamaya hoggaanka dalka ee 2026 loo baahan yahay in lagu qanciyo muhiimadda go’aannada Golaha Wada-tashiga Qaranka, maadaama ay saameyn weyn ku leeyihiin jihada siyaasadeed ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn Maxamuud Sayid Aaden wuxuu Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ugu baaqay inuu si “geesinimo leh” u wajaho xaaladda guud ee dalka, una hoggaamiyo shacabka isagoo ka duulaya waxa maanta macquul ah.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe