Tobanneeyo ruux ayaa ku geeriyootay miino ay ku qarxinayeen dhul laga qodo macdanta oo ku yaalla Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo (DR Congo) sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan oo katirsan kooxaha gurmadka fidiyay.
Warar is dhaafsan ayaa kasoo baxaya tirada rasmiga ah ee dadka ku dhintay qaraxaan, wararka qaar ayaa sheegaya in diiwaanka la geliyay 35 qof wallow ay jiraan warbixinno kale oo tiradaas sii kordhinaya maadaama qaraxa uu xoogganaa.
Dadka qaar waxaa ku dumay godkii ay rabeen in ay miinada ku qarxiyaan kaddibna ay kala soo baxaan macdanta, dhacdadaan ayaa ka dhacday Gobolka dhaca Koofur Bari ee DR Congo laguna magacaabo Lualaba.
Xoghayaha gobolkaas oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in khasaaraha uu intaas ka badan karo maadaama buundada macdanta laga qodayay godad waa weyn ay ka qodon yihiin suuragalna ay tahay in ay halkaas dad kale ku jireen.
Dalal badan oo Afrika ah waxaa dhibaatado xooggan dadka kasoo gaartaa qodista macdanta iyo dhuxusha Dabiiciga ah ee laga helo dhulka buuraha ah ee miyiga ku yaalla, waxa ay ka raadiyaan dhaqaale badan mar haddii shaqo la’aanta haysatu ay ku badatay.

