Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa si rasmi ah xaqiijisay in la jabsaday xogta qaar ka mid ah rakaabka isticmaalay Barnaamijka E-TAS oo ay dhawaan soo kordhisay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.
Warsaxafadeed ay soo saartay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xad gudub sharci darro ah lagu beegsaday nidaamka E-TAS, islamarkaana hay’addu si deg deg ah u hakisay Barnaamijka ayna bilaawday baaritaan deg deg ah oo la xariira arrintan, si loo yareeyo saamaynta ay yeelan karto.
“Dowladda Soomaaliya waxay arrintan siisay muhiimad gaar ah, iyadoo loo magacaabay guddi baaritaan heer qaran ah oo ka kooban hay’adaha amniga, khubaro caalami ah oo ku takhasusay forensic, iyo hay’addaha dowliga ah ee khuseeya ilaalinta xogta,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay hay’adda Socdaalkaiyo Jinsiyadda Soomaaliya.
Qoraalka kasoo baxay Hay’adda ayaa sido kale lagu sheegay in marka baaritaanka rasmiga ah la soo gaba gabeeyo lasoo saari doono warbixin dhamaystiran oo faahfaahinaya natiijooyinka, xogta la xaqiijiyay iyo tallaabooyinka sixidda ah ee la qaadi doono.
“HSJ waxaay ka xun tahay dhacdadan, waxaana ay mar kale xaqiijinaysaa in ilaalinta xogta dadka iyo adeegyaga qaranka ay tahay mudnaanta koowaad,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Hay’adda Socdaalka Jinsiyadda Soomaaliya.
Dhawaan ayay aheyd markii dowlada mareykanka ay shaacisay in la jabsaday xogta kumanaan kun oo rakaab ah kuwaasi oo isugu jiray Soomaali iyo Ajaanib, taasoo labadii maalmood ee lasoo dhaafay si weyn looga dhex hadal haayay baraha bulshada ee Internet-ka.
Hoos ka akhriso Warsaxaafadeedka Kasoo baxay &ay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo dhameystiran:-


