Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya ayaa Sabtidii maanta si rasmi ah u bilaabay bixinta kaararka codbixinta ee caasimadda Muqdisho, taas oo astaan u ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka qabashada doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee magaalada muddada dheer wajahaysay colaado, barakac iyo hubanti la’aan siyaasadeed.
Bixinta kaararka ayaa si habsami leh uga bilaabatay degmooyinka Xamarjajab, Waaberi, Shangaani, Xamarweyne, Boondheere, Cabdiaziz iyo Shibis, iyadoo dadweyne isugu jira dhalinyaro, haween, odayaal iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba ay isugu soo baxay xarumaha loogu talogalay.
“Waxaan ahay muwaadin Soomaaliyeed, subaxnimadiina waxaan u imid inaan qaato kaarkayga si codkaygu u yeero,” ayuu yiri Cusmaan Goodax Barre oo 55 jir ah, ka mid ah dadkii safka ugu jiray.
Safiya Shire Daahir oo iyaduna goobta timid ayaa tiri, “Waxaan u imid inaan qaato kaarkayga si aan u gutto xuquuqdayda codbixinta.”
Degmada Shibis, dadka naafada ah ayaa sheegay in ay markii ugu horreysay dareemayaan in la tixgeliyay, Waxaa arrintaas ka hadlay Saalax Maxamed, guddoomiyaha Ururka Naafada ee degmada Shibis, oo yiri, “Annaga oo ah dadka baahiyaha gaarka ah qaba, aad baan ugu faraxsanahay inaan doorashada qayb ka noqono.”
Oday Maxamuud Xaaji Goobe, oo isna subaxii hore yimid xarunta, ayaa sheegay in da’diisu aysan ka hor istaagin inuu qaato kaarka codbixinta. “Da’deeydu waa ay wayn tahay, laakiin waxaan u imid inaan qaato kaarkayga,” ayuu yiri.
Dhanka kale, Safiya Maxamed Cali, guddoomiyaha arrimaha haweenka ee degmada Shibis, ayaa haweenka ku boorrisay in ay qaataan kaararkooda oo ay codkooda isticmaalaan, “Waqtigii xaq-diidka haweenku wuu dhammaaday—walaalaha haweenka ahow, ha ka harina codkiinna,” ayay tiri.
Hawsha bixinta kaararka ayaa ku bilaabatay si degan oo nidaamsan, iyadoo dadku u muujinayaan diyaar garow ay uga qeybgelayaan doorashada goleyaasha deegaanka ee soo socota.
Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in ururrada siyaasadeed ay haystaan ilaa 25-ka November 2025 oo ah waqtiga kama dambaysta ah ee ay ku soo gudbin karaan liisaska musharixiinta golayaasha degmooyinka, taas oo lagu qiimeyn doono diyaar garowga xisbiyada iyo isbaheysyada badan ee ka jira Muqdisho.

