Ciidamado katirsan Macawiisleyda deegaanka ah ee Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa weerar ku qaaday xubno katirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanno hoostaga Degmadaas.
Sida ay sheegeen ilo kala duwan, ciidanka Macawiisleyda oo helay xogta xubnaha katirsan Al-Shabaab ayaa weerar isku waqti dhacay ku qaaday deegaannada kala ah Cali Yabaal, Uubad & Xirsi Cilmi oo dhammaan hoostaga Degmo xeebeedka Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.
Cabdulqaadir Cali Bugle oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Deegaanka ah ee Macawiisleyda ayaa Warbaahinta u sheegay in khasaara xooggan ay gaarsiiyeen xubnaha katirsan Al-Shabaab ee duullaanka ku qaadeen sida uu hadalka u dhigay.
Bugle ayaa intaas ku daray in ciidamadooda oo badqaba ay dib ugu laabteen goobihii ay ka duullaan tageen, ujeedka howlgalkooda ayuu ku sifeeyay in ay kahortagayeen abaabul ay wadeen Al-Shabaab sida uu warka u dhigay.
Deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedka Galmudug waxaa ka socda abaabulka howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ay si wadajir ah u wadaan Ciidanka Federaalka, Daraawiishta Dowlad-Goboleedkaas & kuwa Deegaanka ee Macawiisleyda ah.

