Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa sheegay in argagixisadii buuraha joogta iyo kuwa ku dhuumaalaysanaya saxaafadda in ay isku mid yihiin, isagoo intaas ku daray in la soo afjari doono dhammaan kooxaha faafiya mabaadi’da Daacish iyo Al-Shabaab.
Wasiirka ayaa ku eedeeyay Dowladda Qatar inay hoy siisay hoggaamiyihii hore ee Al-Shabaab ee buuraleyda Galgala, Sheekh Maxamed Siciid Atam, kaas oo hadda ku nool dalkaas.
Sidoo kale, wuxuu xusay in Qatar ay qiratay kaalinteedii ka dambaysay dilkii maareeyihii DP World ee Boosaaso, isla markaana ay maalgeliso warbaahinta Middle East Eye, oo uu wasiirku kutilmaamay kuwa dacaayado iyo been abuur ka sameeysa Puntland.
“Waxaas oo dhan waxay ka tarjumayaan ciil ay qabaan kuwa aan rabin in Puntland ka adkaato Daacish,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta, isagoo ku adkeeyay in Puntland ay sii wadi doonto dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo cid kasta oo taageerta.
Lama oga sababta keentay xilligan in Puntland ay ku eedeyso Qatar inay ka dambeysay dilkii maareeyihii dekedda Boosaaso, iyadoo la ogyahay inay Alshabaab ka dambeeyeen ayna sheegteen dilkiisa.

