Monday, November 10, 2025
HomeWararGudahaWaa sidee xaalada deegaanka Dudumaaye ee Shalay dagaalka culus uu ka dhacay

Waa sidee xaalada deegaanka Dudumaaye ee Shalay dagaalka culus uu ka dhacay

Xaalad deganaasho ah aan caga badan ku taagneyn ayaa maanta laga dareemaya tuulada Dudumaaye oo hoostagta degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo Shalay dagaal beeleed khasaare kala duwan geystay uu ka dhacay.

Wararka hordhaca ah ee laga helayo khasaaraha ka dhashay dagaalkii Shalay ayaa sheegaya in dhimashada ay tahay ilaa 7 ruux oo isugu jira dhinacyada dagaalamay iyo dad shacab ah oo guryahooda ugu tagtay rasaasta maleeshiyaadka isku adeegsanayeen.

Dagaalka Shalay ka dhacay Dudumaaye ayaa ahaa mid daba socday dil arxan daro ahaa oo maalin ka hor tuuladaasi loogu geystay nin oday ahaa oo nolosha lagu gubay, sababo la xariira aargoosi aano qabiil ah.

Waxaa sidoo kale dagaalka Shalay uu sababay in la gubo guryo badan oo ku yaalay tuulada Dudumaaye, waxaana halkaasi isaga barakacay inta badan dadkii degana tuulada.

Maleeshiyaadka labada beelood ayaa wali aan ka fogeyn goobahii ay Shalay ku dagaalameen, waxaana mar waliba la filan kara inuu dib u qarxo dagaalka u dhaxeeya labadaan Maleeshiyo beeleed oo kala ah Gaaljecel iyo Shanta Caleemood.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe