Monday, November 10, 2025
HomeWararGudahaAmnesty International “Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka waxay dayaceen kumannaan qof oo...

Amnesty International “Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka waxay dayaceen kumannaan qof oo abaartu dishey Koonfurta Soomaaliya”

Hay’adda caalamiga ah ee Amnesty International ayaa sheegtay in Dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamku ay ku fashilmeen inay ilaaliyaan kumannaan qof oo ka tirsan bulshooyinka ay abaaruhu saameeyeen ee Koonfurta Soomaaliya, taas oo horseeday in dadkaasi la duudsiyo xuquuqdooda aas-aasiga ah ee cunto, biyo, caafimaad, qoys iyo nolol.

Warbixin cusub ayaa daaha ka rogeysa in u dhaxaysay 2020 ilaa 2023, isbeddelka cimilada, colaadaha iyo takooridda bulshada ay kumannaan qof ku khasbeen inay ka barakacaan deegaanadoodii, iyaga oo markii hore u guuray xeryaha barakacayaasha gudaha ee Koonfurta Soomaaliya, ka dibna u gudbay xerada qaxootiga ee Dadaab ee dalka Kenya.

Intii lagu jiray safarradaas halista ah, Amnesty International waxay sheegtay in dowladda Soomaaliya ku guuldarreysatay bixinta gargaar degdeg ah oo ay ku jiraan adeegyada caafimaadka iyo cunnada.

Soomaaliya ayaa lagu sheegay dalka toddobaad ee ugu nugul isbeddelka cimilada ee adduunka oo dhan. Agaasimaha gobolka Bariga iyo Koonfurta Afrika ee Amnesty International, Tigere Chagutah, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya, iyadoo taageero ka helaysa beesha caalamka, ay tahay inay si degdeg ah wax uga qabato takooridda iyo dayaca bulshada ku nool koonfurta dalka ee si xun u saameeyay kuleylka sii kordhaya ee ka dhashay isticmaalka shidaalka dhuxusha iyo batroolka.

“Soomaaliya wax yar bay ku leedahay sababta isbeddelka cimilada, balse shacabka Soomaaliyeed ayaa ah kuwa ugu badan ee dhibaatadu saameysay. Dalalka hodanka ah, gaar ahaan kuwa ugu badan ee wasakhda sii daaya, waa inay qaataan masuuliyadda oo taageeraan Soomaaliya si ay ula qabsato saameynta isbeddelka cimilada,” ayuu yiri Chagutah.

Warbixinta ayaa lagu saleeyay wareysiyo lala yeeshay 177 qof oo ku barakacay xerada Dadaab intii u dhaxaysay Sebteembar 2024 iyo Maarso 2025, iyadoo sidoo kale la wareystay shaqaalaha gargaarka, saraakiil dowladeed iyo khubaro ku takhasusay isbeddelka cimilada.

Tan iyo 2022, abaaro joogto ah oo cimilada bini’aadamku kicisay ayaa sababay in dad badan barakacaan, iyadoo ilo-biyoodkii ay qallaleen, dadka badankoodna ay cabayeen biyo wasakhaysan taasoo dhalisay cudurro halis ah sida daacuunka. Dadka qaar ayaa ku qasbanaaday inay safraan in ka badan 1000 km si ay u helaan adeeg caafimaad.

Qiimaha cuntada ayaa sare u kacay ilaa 160% marka loo eego ka hor 2020, taas oo keentay gaajo baahsan, nafaqo darro, iyo barakac sii kordhaya. Inkastoo dowladdu ku dhawaaqday abaarta inay tahay masiibo qaran bishii Nofeembar 2021, haddana miisaaniyadda caafimaadka dalka wali waa ka yar tahay 5% kharashaadka guud ee dawladda, halkii ay ahayd in la gaarsiiyo 15% sida lagu heshiiyey heshiiskii Abuja ee Midowga Afrika.

Amnesty International waxay ugu baaqday dowladda Soomaaliya inay dejiso siyaasado adag oo la xiriira la-qabsiga isbeddelka cimilada, isla markaana ay wax ka qabato khasaaraha iyo dhaawaca uu sababay isbeddelkaas, gaar ahaan bulshada nugul ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe