Monday, November 10, 2025
HomeWararGudahaSomaliland oo War ka soo saartay Maxaabiista looga heysto Laascaanood

Somaliland oo War ka soo saartay Maxaabiista looga heysto Laascaanood

Somaliland ayaa markii ugu horraysay shaaca ka qaadday inay socdaan wadahadalo iyo dedaalo lagu doonayo in lagu siidaayo ciidamada Maamulkaasi kaga xiran Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi Bari Somalia.

Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Somaliland Maxamed Yuusuf Cali, oo warfidiyeenka kula hadlay Magaalada Hargaysa ayaa sheegay inay dedaal walba ku bixin doonaan sidii ciidamadaasi loo sii dayn lahaa ayna jireen wada-hadalo uusan carrabaabin cidda garwadeenka ka ah.

“Maxaabiista process ayaa socda, dowladdu waxay diyaar u tahay waddo kasta oo maxaabiistaa lagu siidaynayo waddooyin badana hadda waa furan yihiin oo aanan ka hordhacayn”, Ayuu yiri wasiir Ilka-case.

Somaliland ayaa waxaa Laaascaanood looga heystaa maxaabiis fara badan oo ka tirsanaa ciidamadii maamulkaas ee sanado ka hor la dagaalamay xoogagii SSC Khaatumo, kuwasoo laga soo qabtay intooda badan saldhiga ciidanka Somaliland ee Goojacadde oo markii dambe laga qabsaday.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe