Dowladda Sweden ayaa dhowaan koox yar oo ciidan ah u dirtay Soomaaliya si ay u taageeraan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan kooxaha argagixisada.
Joogitaanka ciidanka Sweden wuxuu ku saleysan yahay martiqaad rasmi ah oo ka yimid dowladda Soomaaliya, waxayna iskaashi la leeyihiin Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (US AFRICOM).
Hawlgalka oo lagu magacaabo Operation Thunderbird ayaa lagu fulinayaa wada shaqeyn u dhexeysa Iswiidhan, Maraykanka, iyo ciidamada Soomaaliya.
“Cutubka Iswiidhan wuxuu diiradda saarayaa taageerada ciidamada Soomaaliyeed iyo kuwa Maraykanka iyada oo loo marayo tababar, la-talin, iyo helidda xog muhiim ah,” ayay tiri Rear Admiral Ewa Skoog Haslum, Madaxa Hawlgallada Wadajirka ee Iswiidhan.
Gen. John W. Brennan, ku-xigeenka taliyaha US AFRICOM, ayaa sheegay in Sweden ay tahay lamaane aad muhiim u ah dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ee Soomaaliya, isagoo ammaanay khibraddooda gaar ah ee dhinaca baaritaanka iyo sirdoonka.
In kasta oo xaaladda amniga ee Soomaaliya ay weli adag tahay, haddana natiijooyinka hore ee iskaashiga ayaa lagu tilmaamay kuwo wanaagsan.
Sweden sidoo kale waxay ka qayb qaadataa hawlgallo kale oo caalami ah oo gobolka ka socda, sida EU Training Mission (EUTM Somalia), Operation Atalanta, iyo Operation Aspides.
US AFRICOM waa hay’adda maamusha hawlgallada ciidamada Maraykanka ee Afrika, oo diiradda saarta la dagaallanka kooxaha xagjirka ah iyo xoojinta ciidamada dalalka saaxiibka ah. Xarunteedu waxay ku taallaa Stuttgart, Jarmalka.

