Sunday, October 5, 2025
HomeWararGudahaWadooyinka qaar Muqdisho oo mudo dheer xernaa oo dib loo furayo

Wadooyinka qaar Muqdisho oo mudo dheer xernaa oo dib loo furayo

Warar aanu helnay ayaa sheegaya in maanta la furayo qaar kamid ah wadooyinka xiran ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadda furitaanka wadooyinka dhagxaanta ay yaalaan ee la furayo waxaa si wadajir ah uga qeyb gelaya R/wasaare Xamse Cabdi Barre iyo gudaamiyaha gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab.

Dhowr waddo oo muhiim ah ayaa la sheegay in la furayo kuwaasi oo muhiim u ah isu socodka dadka iyo gaadiidka.

Dhowr jeer ayay xukuumadda Soomaaliya balanqaaday inay fureyso wadooyinka xiran ee Muqdisho iyadoo ugu dambeyn lagu wado maanta in la furo qaar kamid ah wadooyinka xiran ee Muqdisho.

Dadka ku nool magaalada muqdisho ayaa dhibaato badan ku qaba xernaashaha wadooyinka qaar ee muqdisho.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe