Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), oo garab ka helaya ciidamada nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM, gaar ahaan cutubyo ka tirsan kuwa Uganda, ayaa maanta guulo muhiim ah ka gaaray howlgal militari oo lagu beegsaday kooxda Al Shabaab ee ku dhuumaaleysanayay tuulooyin ka tirsan degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalka, oo si qorshaysan u billowday saaka aroortii hore, ayaa lagu xoreeyay tuulooyinka Shaamgare iyo Raqayle, kuwaas oo muddooyinkii u dambeeyay ay si qarsoodi ah ugu sugnaayeen maleeshiyaadka Al Shabaab.
Dagaal kooban oo ka dhacay tuulooyinkaasi ayaa lagu jabiyay kooxda Al shabaab, iyadoo ciidamadu si xirfad iyo taxadar leh u fuliyeen howlgalka.
Wararka laga helayo saraakiisha howlgalka hoggaaminaysay ayaa sheegaya in Al Shabaab laga saaray godadkii iyo meelo kale oo ay isku dayeen inay ku dhuuntaan.
Intii uu socday howlgalka, waxaa la gaarsiiyay qasaare culus kooxdii iska caabinaysay, halka tiro ka mid ah ay halkaas ka baxsadeen, Saraakiishu waxay sidoo kale xaqiijiyeen in aan wax khasaare ah soo gaarin ciidamada dowladda iyo kuwa AUSSOM.