Wakiillada Beesha Caalamka ee Magaalada Muqdisho ku sugan ayaa la sheegay in ay wadaan qorshe dib loogu billaabayo wadahadalka madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Mucaaradka si xal waara looga gaaro is faham darrada siyaasadeed ee ka dhex jirta.
Sida ay Mustaqbal u sheegeen ilo kala duwan, Wakiillada Beesha Caalamka ayaa billaabay dhaqdhaqaaq ku aaddan sidii ay ula hadli lahaayeen Madaxda Federaalka iyo kuwa Mucaaradka si isu soo dhawaanshiyo looga dhex dhaliyo kaddibna loo tago miiska wadahadalka.
Xubnaha dedaallada diblumaasiyadeed wada waxaa ka mid ah Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya iyo kuwo kale oo isku xilqaamay sidii wadahadalka labadaan dhinac dib loogu billaabi lahaa si meel la iskula dhigo tabashooyinka jira.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aanay marnaba xirmin albaabada wadahadalka, waxa uu intaas ku daray in Dowladdu diiradda saarayso la kulanka cid weliba oo tabasho qabta si xal loo helo.