Monday, May 4, 2026
HomeWararGudahaDarawal leylo-calaawi oo $1 Dollar dartiis loogu dilay Degmada Kaaraan ee Gobolka...

Darawal leylo-calaawi oo $1 Dollar dartiis loogu dilay Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir

Askari ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhow degmada Kaaraan ku dilay mid kamid ahaa dhallinyarada ku shaqeysata Leylo-calaawida.

Goobjoogayaal la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in Askariga uu Marxuumka $1 Dollar oo uu iska diiday darteed uu udilay askari joogay Barta Kantaroolka.

Darawalka oo lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Carabow Cali Yoolif oo ahaa dareewal kaxeeya Baabuurta kashaqaysa Muqdisho ilaa gobollada kale ee dalka.

Askariga Dilka gaystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana socda baaris lagu raadinayo si gacanta loogu soo dhigo sida ay sheegeen ilo kala duwan, halka uu dilka ka dhacay waxaa gaaray ciidamo katirsan kuwa ammaanka Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Inta badan Gawaarida isaga kala gudubta Muqdisho & Gobollada kale ee Dalka waxa ay cabasho ka muujiyaan ciidamo ku labisan dareeska Ciidanka Dowladda Federaalka oo lacago ka qaada, xiliyada qaar waxa ay u gaysteen dhibaatooyin sida jirdil iyo toogasho nafta ay ku dhaafiyaan.

 

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe