Wareegto kasoo baxday Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulka Hirshabelle , ayaa xilka looga qaaday guddoomiyihii degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhaxe Cumar Macallin Cabdulle, oo bannaan joog ka ah degmada uu guddoomiyaha ka yahay.
Wasiirka ayaana wareegtada uu xilka uga qaaday guddoomiyaha degmada Aadan Yabaal ku sheegay xil gudasho la’aan, xilli la ogyahay in degmada Aadan Yabaal gacanta ugu jirto kooxda Al Shabaab oo bilooyin kahor dagaal kula wareegtay.
Dad badan oo arkay warqadan xil ka qaadista ayaa layaab ku tilmaamay xil ka qaadista guddoomiye aan tagi karin degmadii uu ku magacawnaa, waxa ayna dadka isweydiiyeen sida uu degmada Aadan Yabaal ku tagu karo masuulka kale ee xilka degmadaasi loo soo magacaabi doono.


