Magaalada baladweyne ee xarunta gobolka hiiraan waxaa ka tagaan qilaaf ka dhashay xilkaqaadis iyo magacaabis uu sameeyay gudoomiyaha gobolka hiiraan.

waxaa asne warqad uu soo saaray ku beeniyay warqadaas gudoomiyaha degmada baladweyne.
𝐊𝐮: 𝐆𝐮𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐚𝐟𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐮𝐮𝐧𝐝𝐚𝐰𝐞𝐲𝐧 (𝐎𝐤𝐭𝐨𝐨𝐛𝐚𝐫)
𝟎𝐠: 𝐌𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥𝐤𝐚 𝐡𝐞𝐞𝐫 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥
𝟎𝐠: 𝐌𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥𝐤𝐚 𝐡𝐞𝐞𝐫 𝐃𝐞𝐠𝐦𝐨
𝐔𝐣𝐞𝐞𝐝𝐨: 𝐁𝐞𝐞𝐧𝐢𝐧 𝐰𝐚𝐫𝐪𝐚𝐝 𝐛𝐞𝐞𝐧 𝐚𝐛𝐮𝐮𝐫 𝐚𝐡
Maamulka Degmada Beledweyne kadib markii uu arkay warqad lagu faafiyey baraha bulshada oo sheegeysa in xilka laga qaaday Gudoomiyaha Xaafada Buundaweyn (Octoobar), waxa uu si cad u beenininayaa warqadaasi.
Gudoomiyaha Degmada Beledweyne Mudane Cumar Cismaan Calasow waxa uu cadeynayaa in warqadaas tahay mid been abuur ah isla markaana aanay wax sal iyo raad sharci ah lahayn.
Sida waaafaqsan nidaamka maamulka ee heer degmo ee Dowlad Goboledka Hirsahbelle magacaabista iyo xil ka qaadista Guddoonka Xaafadaha waxay si gaar ah u tahay awood u gaar ah Gudoomiyaha Degmada.
Ugu dambeyn maamulka Degmada waxa uu bulshada iyo dhammaan Hay’adaha ka howl gala Degmada Beledweyne ku wargelinyaa in Gudoomiyaha Xaafada buundaweyn tahay marwo 𝐒𝐚𝐚𝐝𝐨 𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐜𝐚𝐥𝐢𝐧 isla markaana ay lashaqeeyaan.


