Wararka ka imaanaya magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in Maamulka Jubbaland ciidamo dheeraad ah geeyay gudaha degmadaasi, tillaabadaasi oo walaac ku abuureysa dadka deggan gudaha magaaladaasi.
Goobjoogeyaal ayaa sheegay in ciidan ka tirsan dowlad goboleedka Jubbaland laga keenay deegaannada kale ee Maamulkaasi ka taliyo, iyada oo loogu talagalay in xoojiyaan askartii hore ee shalay la dagaalamay ciidamada dowladda Federaalka.
Gudaha magaalada sida xarruunta degmada iyo goobo kale waxaa ku sugan ciidamo ka tirsan dowlad goboleedka Jubbaland, halka ciidamada dowladda Federaalka ay joogaan xirada UK oo ku taalla bannaanka magaalada Beledxaawo.
Labada dhinac ayaa warbaahinta la wadaagaya hadallo kala duwan. Maamulka Jubbaland oo qoraal kooban soo saaray ayaa sheegay in xaaladda magaalada ay deggan tahay, isla markaasna ciidankooda ay xaqiijinayaan amniga guud ee magaalada.
Taliyaha ciidanka xasilinta ee gobolka Gedo ahna Madaxa NISA ee gobolkaasi, Cabdirashiid Janan ayaa sheegay in ay magaalada uga baxeen si looga fogaado dhibaato ama khasaare soo gaara dadka shacabka ah.
Sidoo kale, Taliyaha ayaa sheegay in ay gobolka Gedo u gaareen si ay wax uga qabtaan baahiyaha ciidamada qalabka sida, gaar ahaan sidii ay u heli lahaayeen xuquuqaadkooda.

