Wednesday, June 24, 2026
HomeWararGudahaUganda oo baareysa shil diyaarad ay leeyihiin ku gashay Garoonka Muqdisho

Uganda oo baareysa shil diyaarad ay leeyihiin ku gashay Garoonka Muqdisho

Dowladda Uganda ayaa shaacisay in ay baareyso waxa sababay shil diyaarad ay leeyihiin ciidanka dalkaasi ay ku gashay xeyndaabka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ciidamada Uganda, Felix Kulayigye ayaa sheegay in Diyaaradda ay saarnaayeen sideed ruuux ayna ka soo kacday Garoonka Ballidoogle ee gobolka Shabeellada Hoose, isla markaasna ay Shilka gashay xilli ay soo dageysay.

Mr Felix ayaa tilmaamay in Shilka ay ka badbaadeen Duuliyihii iyo ku xigeenkiisa, iyada oo afar kale ay ku geeriyoodeen. Laba ruux ee ka badbaaday ayaa waxaa soo gaarey dhaawacyo culus iyo gubasho.

“Duuliyihii, ku-xigeenkiisa, iyo injineerkii duulimaadka ayaa ka badbaaday shilka balse waxaa soo gaaray dhaawacyo halis ah iyo gubasho daran. Halka inta kale ay gaariyoodeen. Sidoo kale saddex qof oo rayid ah oo dhulka joogay ayaa ku dhaawacmay Shilka”

Afhayeenka Ciidanka Uganda ayaa carrabka ku adkeeyay in ay baarayaan waxa sababay shilkaan khasaaraha dhaliyay.

Shilkan ayaa imaanaya iyadoo sanadkii hore, bishii Sebteembar, ay ciidamada Uganda ay waayeen diyaarad nuuca qumaatiga u kacda, taasi oo ku dhacday inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Baledogle.

Uganda ayaa tan iyo sanadkii 2007 ka mid ahayd waddamada ciidanka ugu badan ay ka joogaan Soomaaliya, kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalka AUSSOM.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe