Tuesday, April 21, 2026
HomeWararGudahaImtaxaanka Qaranka ee fasalka 12-aad oo maanta u soo idlaaday ku dhawaad...

Imtaxaanka Qaranka ee fasalka 12-aad oo maanta u soo idlaaday ku dhawaad 40 kun arday

In ka badan 39 kun oo arday ayaa soo gabagabeeyay imtixaanka fasalka 12-aad ee dugsiga sare kaas oo lagu galayay 48 magaalo oo ku yaalla dalka.

Imtixaankaan oo ay ka shaqaynayeen ku dhawaad 3 kun oo ka tirsan shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada, macalimiinta qaranka iyo 2,000 oo ciidanka Booliska Soomaaliyeed ah ayaa maanta si nabad ah ku soo dhamaaday.

Imtixaanka ayaa lagu galayay 140 goobood, kuwaas oo 64 ka mid ah ay ku yaallaan gobolka Banaadir.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Faarax Sheekh Cabdiqaadir oo warbaahinta kula hadlay xarunta Jaamacadda Ummadda ee magaalada Muqdisho ayaa u mahadceliyay, shaqaalaha, Macalimiinta iyo Booliska ka qayb qaatay habsami u socodka Imtixaanka.

Wasiir Faarax ayaa sidoo kale sheegay in ardaygii ku qanci waaya natiijada imtixaanka markii ay soo baxado ay cabasho u furantahay lana tusi doono waraaqihiisa.

Qaar ka mid ah ardayda uu imtaxaanka u soo dhammaaday oo la hadlay Mustaqbal Media ayaa sheegay in ay maanta uga dhigan maalin ku weyn noloshooda, maadaama uu u soo dhammaaday safarkii waxbarasho ee School oo u socday 12 sanno.

Ardaydaan ayaa wajiyadooda laga dheehanayay farxad, iyaga oo dhexdooda isdhaafsanaya hambalyada ku aadan soo idleenta heerka waxbarasho ee dugsiga sarre, waxaa lagu arkayay goobaha imtaxaanka ku galayeen iyaga oo sawirro xasuus ah la galayay madaxda ka socota dowladda iyo saraakiisha qaabilsaneed ilaalinta imtaxaanka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe