Sunday, May 17, 2026
HomeWararGudahaDagaal culus oo ka bilaawday deegaanka Abooreey ee gobolka Hiiraan

Dagaal culus oo ka bilaawday deegaanka Abooreey ee gobolka Hiiraan

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in haatan uu dagaal culus ka socdo deegaanka Abooreey oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Buula burte ee gobolka Hiiraan, kaasoo u dhaxeya Macawiisleeyda Xawaadle iyo Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidanka Macawiisleeyda beesha Xawaadle weerar dhowr jiho ah ku qaadeen Abooreey oo mudooyinkii lasoo dhaafay gacanta ku hayeen kooxda Al-shabaab.

Waxaa lasoo warinaya in dagaalka uu yahay mid aad u xoogan oo labada dhinac isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoona dhawaqa hubka qaarkiis laga maqlaayo meelo ka fog fog deegaanka Abooreey.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac  ayaa ka dhashay dagaalka, walow aanan la xaqiijin karin khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka inta uu gaarsiisan yahay, maadama uu wali socdo dagaalka.

Dagaalkaan goordhaw ka qarxay Abooreey ayaa kusoo aadaya, iyadoo afartii maalin ee lasoo dhaafay Macawiisleeyda Xawaadle iyo Al-shabaab ay ku dagaalamayaan deegaano ku yaala xadka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyadoo dagaaladaasi kooxda looga dilay in ka badan 70 xubnood.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe