Sunday, August 23, 2026
HomeWararGudahaMadaxweynihii Hore Sheekh Shariif oo ka hadlay xaaladda Suuqa Bakaaraha

Madaxweynihii Hore Sheekh Shariif oo ka hadlay xaaladda Suuqa Bakaaraha

Madaxweynaha hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheikh Ahmed ayaa ka hadlay xaaladda nololeed ee dadweynaha ku nool Muqdisho, gaar ahaan suuqa Bakaaraha iyo meelaha kale ee ganacsiga muhiimka ah.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in dadka ka shaqeeya suuqa Bakaaraha, suuqyada bacaadka, iyo jidka sodonka ay yihiin dad baahi weyn u qaba gargaar iyo taageero. “Dadka ay u muuqdaan kuwo wanaagsan, laakiin haddii aad tagto suuqa Bakaaraha, suuqyada bacaadka, jidka sodonka, iyo jidka warshadaha, waxaad arkaysaa in dadku ay yihiin kuwo qadaaya oo baahanyihiin,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Madaxweynaha hore ayaa sidoo kale tilmaamay baahida weyn ee ay leedahay in la taageero dadka ku dhaqan caasimadda, isaga oo ugu baaqay dowladda iyo hay’adaha samafalka inay ka shaqeeyaan sidii loo taageeri lahaa dadka danyarta ah ee ku nool Muqdisho.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe