Wednesday, June 24, 2026
HomeWararGudahaCiidanka Xoogga oo howlgallo ka sameeyay deegaanno ka tirsan gobolka Mudug

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka sameeyay deegaanno ka tirsan gobolka Mudug

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaa shanaya ciidanka deegaanka iyo Booliska Degmada Wisil ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyay deegaanno ka tirsan gobolka Mudug.

Saraakiisha ciidamada ee ku sugan Degmada Wisil ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen laba gaari oo shidaal iyo agab kale u siday Al-shabaab.

Sidoo kale, saraakiisha ayaa sheegay in baaritaano ay ku socdaan raggii watay gaadiidka oo la tuhunsan yahay in ay u socdeen deegaannada ay ku sugan AS.

Maalmihii la soo dhaafay Ciidanka Xoogga oo kaashanaya Daraawiishta Galmudug iyo Shacabka deegaanka ayaa howlgallo amniga lagu xaqiijinayo ka waday deegaanno ka tirsan maamulka Galmudug.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe