Friday, July 3, 2026
HomeWararGudahaLix nin oo shan isku qoys ah oo lagu dilay weerar lagu...

Lix nin oo shan isku qoys ah oo lagu dilay weerar lagu qaaday masjid ku yaalla Itoobiya.

Dabley hubeysan ayaa lix nin oo shan ka mid ah ay isku qoys yihiin ku dileen habeenkii Talaadada gudaha masjid ku yaalla dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, iyadoo dadka deegaanku ay ku tilmaameen weerar aargoosi oo qabiil.

Dhibanayaasha la dilay oo lagu kala magacaabi jiray Bishaar Baaluul, Cumar Aw Axmed, Mahad Maxamuud C/llaahi Wanis, Mahdi Sheekh Aadan Wali iyo Maxamed Dheere, ayaa dhammaantood ahaa dad u heellan diinta Islaamka, isla markaana u heellan inay ku noolaadaan nolol cibaado ah oo Alle loogu adeegayo.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, iyadoo ciidamada ammaanka ay goobta gaareen, lama sheegin cid ay u soo qabteen.

Magaalada Wardheer iyo gobolka Doollo ee ku xeeran ayaa la daalaa dhacaya colaado u dhaxeeya beelo wada dega deegaankaasi oo todobaadyadii la soo dhaafay cirka isku shareeray.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe