Sunday, June 21, 2026
HomeWararGudahaDhageyso:-lacago loo yaboohay Dad ku hanti beelay dab ka kacay suuqa weyn...

Dhageyso:-lacago loo yaboohay Dad ku hanti beelay dab ka kacay suuqa weyn ee Jowhar.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle oo ay wehliyaan Xildhibaano labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa booqday Suuqa weyn Magaalada Jowhar iyagoo soo Arkay khsaaraha ka dhashay dabkii xoogganaa ee ka kacaay suuqaas .

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Folaha shacabka iyo Aqalka sare ee tagay suuqa Gubtay ee Magaalada Jowhar ayaa ku yaboohay lacago ay uga qeyb qaadanayaan dib u soo kabashada musiibadii la dhacday suuqaas .

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Xuseen Guudlaawe ayaa uga mahad celiyay Xildhibaanada labada Aqalka Baarlamanka Saoomaaliya ee socdaalka ku jooga Magaalada Jowhar lacagaha ay ugu yabooheen Dadkii ku hanti beelay dabkii ka kacay suuqa weyn ee magaalada Jowhar.

Dabkii ka kacay Suuqa Weyn ee Magaalada Jowhar ayaa waxaa ku khasaartay Hanti badan iyadoo bur Bur uu gaarsiyay qaybo ka mid ah suuqaas

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe