Dibad-bax ayaa maanta ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha iyadoo qoysaskii dhawaan laga burburiyay guryahooda ay isugu soo baxeen waddooyinka. Bannaanbaxan oo ahaa mid ay dadka dibadbaxa dhigayay ay ku xireen jidka weyn ee isku xira Muqdisho iyo Afgooye sidoo kalena ay xirmeen goobihii ganacsiga, isla markaana ay gubeen taayaro ayaa muujinaya niyad-jabka sii kordhaya ee dadka deegaanka.
Qoysaska ay dhibaatadu soo gaartay ayaa ku doodaya in guryahoodii mudada dheer ay ku jireen la burburiyay kadib amar maxkamadeed. Waxay ku andacoonayaan in go’aanka maxkamadda uu saameyn ku yeeshay diidmadooda qayaxan ee falalka qaarkood waxayna ku baaqayaan in si degdeg ah loo farageliyo si wax looga qabto cabashadooda.
Sida ay sheegeen dibadbaxayaasha ma jiro mas’uul iyo wakiilo la xiriiray muranka dhulka. Waxa ay ku warameen in ciidamada oo wata gaadiid cagaf-cagaf ah ay bilaabeen in ay bur buriyaan guryihii ay ku noolaayeen iyo ceelashii ay ku noolaayeen iyadoo aan la ogeysiin.
Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa walaac xoogan ka muujiyay xaalada taagan. Waxay iftiimiyeen in qoysaska barakacayaasha ah ay yihiin kuwo aan haysan hoy ku filan oo ay la kulmaan xaalado adag maalintii iyo habeenkiiba.

