Wednesday, May 6, 2026
HomeWararGudahaXogihii ugu dameeyay ee laga helay Hubkii Caabudwaaq!!!

Xogihii ugu dameeyay ee laga helay Hubkii Caabudwaaq!!!

Kolanyo siday “hubka sharci darrada ah” oo laga keenay Itoobiya oo lagala wareegay ganacsato ayna galbinayeen ciidamada XDS ee ku sugan bartamaha Soomaaliya ayaa weerar gaadmo ah lagu qaaday.

Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay dhacdada ka dhacday agagaarka magaalada Caabdudwaaq waxayna ka codsatay madaxda deegaanka inay gacan ka geystaan ​​sidii hubkaas loogu soo celin lahaa gacanta dowladda.

Hubka oo markii hore lagala wareegay ganacsato si sharci darro ah ku shaqeysanayay ayaa markii la weeraray waxaa lagu daabulay ciidamada dowladda.

Weerarkan oo ahaa mid gaadmo ah ayaa sababay in qaar ka mid ah hubkaasi uu gacanta u galo maleeshiyaad hubeysan taasi oo sii cakireysa xaalada amni ee gobolka.

yaa iskalahaa hubkaas.
Hubka waxaa si shakhsi ah u leh MW XSM wuxuuna ka codsaday xildhibaano iyo siyaasiyiin beesha Mareexaan ah in wax la xeeriyo oo wax hubka looga soo celiyo Balse rajo badan lagama qabo soo celinta hubka oo waa lagu kala baxay waxaana mar horeba ka hawlgalay siyaasiyiin kasoo horjeeda XSM oo Mahad Salaad ka mid yahay.

Ujeedka hubka ayaa ahaa in lagu hubeeyo ciidan gaara oo beesha Wacaysle uu XSM u dhisayo oo dhawr kun ah Ciidankaan ayaa qaybtood haatan u baabulan yihiin qaab macawislay ah una baahan hub iyo saanad Ciidankaan waxaa XSM u diyaarinayaa inay culays ciidan ku noqdaan Cali Guudlaawe Qoorqoor iyo Sheikh Shariif kuna qasbaan inay is dhiibaan oo aanu tartamin sidii ay N&N ku samaysay Cabdullaahi Cosoble Waare iyo Xaaf,

Hubka sida muuqata qaab suuq madaw ah ayaa Itoobiya looga soo iibiyay mana aha hub si toosa laba dowladood u kala iibsadeen.
Waxaa taas u daliila inaan ciidan Itoobiyaan hubka soo gelbin sida caadada u ah Itoobiya Soo gudbinta hubka ayaa loo xilsaaray Sanbaboolshe ina Cali Adoon iyo Libaan Shuluq wayse ku fashilmeen qorshahaas .

Fashilka hubka ayaa loo saarayaa Mahad Salaad oo la aaminsan yahay inuu bixiyey sirta hubka isagoo isticmaalay Taliyaha NISA Galmudug Farxaan oo uu horey u magacaabay isaga oo aaminsan in hubka isaga loo adeegsanayo dhinaca doorashada waxaa cad in rag NISA ka tirsan oo u shaqeeya Mahad Salaad qeyb ka ahaayeen u gacan gelinta beesha Marreexan.

Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho oo ay la kulmeen saraakiil ka tirsan madaxtooyada ayaa hanjabaad dul dhigtay xukuumadda.
waxaana loo sheegay in qaadista cunaqabataynat hubka uu xafiiska Madaxwaynaha uga faa’idaysanayo kaganacsi hub qaab sharci darro ah oo xitaa Al-shabaab u fududaynaya inu hub badan ku iibsan karaan.
waxayna u sheegeeen saraakiishaas uu ka midyahay la taliyaha amniga qaranka madaxwaynaha in hab dhaqanka xukuumadda ee la dagaalanka Alshabaab iyo xakamaynta hubka uu yahay mid fashil wayn ka jiro ayna Maraykanku ka fiirsanayaan wadashaqatntooda ay la leeyihiin dowladda.

Dhacdadaan ayaa waxa ay hoosta ka xariiqeysaa caqabadaha joogtada ah ee ay dowladda Soomaaliya kala kulmeyso sidii loo xakameyn lahaa ka ganacsiga hubka sharci darrada ah iyo xaqiijinta ammaanka kolonyada ay la socoto.

Codsiga ay dowladdu u dirtay hoggaamiyeyaasha maxalliga ah ayaa loo arkaa inay tahay isku day ay ku doonayaan inay saameyntooda iyo xiriirka ay la leeyihiin dadka deegaanka ay dib ugu soo ceshadaan hubkii lumay.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe