Buula Mareer Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS gaar ahaan kuwa dalka Uganda kana howlgala gobolka Shabeellooyinka ayaa lagu eedeeyay inay dil iyo jirdil u geysteen dad shacab ah sida ilo-wareedyo u sheegeen warbaahinta.
Maadey Jeylaani Cali oo ah Guddoomiye ku xigeenka dhanka Arrimaha Bulshada ee haatan ku sugan Buula Mareer ayaa u sheegay warbaahinra in Ciidamada ATMIS ay toogteen labo ruux kadibna ay si arxan darro ah u gowraceen Qof saddexaad oo la socday labada qof ee la dilay ayaa waxaa u suurtagashay inuu baxsado isagoo dhaawac ah.
“Ciidamada ATMIS markii ay toogteen oo ay dileen iyaga oo roondo ku jiray waxay ka shakiyeen nimankan oo ay toogteen kadibna way dileen Saddex qof ayaa la sheegay inay dileen laba ka mid ah halka mid kale oo dhaawac ah uu baxsaday Sidoo kale waxay dileen nin beer ka soo laabtay” ayuu yiri Maadey Jeylaani Cali.
Dhacdadaan ayaa waxa ay caro xoogan ku abuurtay dadka ku dhaqan Buula Mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo hoostaga Maamulka Koonfur Galbeed Dadka deegaanka ayaa ka dalbaday ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS in lala xisaabtamo iyagoo ku andacoonaya in dhacdooyinka noocaan oo kale ah ee rasaasta lagu furayo dadka beeraleyda ah iyo dadka rayidka ah aysan cidlo ahayn.
Eedeymaha la xiriira dilka iyo jirdilka dadka rayidka ah ee ay geysteen ciidamada ATMIS ayaa walaac xoogan ka muujiyay hab dhaqanka ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.
Howlgalka oo loogu talagalay in lagu xasiliyo soomaaliya laguna taageero ciidamada Soomaaliya si ay ula dagaallamaan kooxaha nabad diidka ah ayaa hadda wajahaya eedeymo la xiriira xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.
Dowladda Soomaaliya ama ATMIS ayaan weli ka jawaabin eedeymahan culus.

