Sunday, May 3, 2026
HomeWararGudahaCiidamada dowlada soomaaliya oo howlgal ka sameeyay gobolka hiiraan.

Ciidamada dowlada soomaaliya oo howlgal ka sameeyay gobolka hiiraan.

Ciidamada Xoogga dalka oo garab ka helaya dadka deegaanka ayaa sameeyay howlgalo xoogan oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana howlgalkaasi lagu soo afjaray tiro badan oo Shabaab ah Ciidamada ayaa la sheegay in ay la beegsadeen isku imaatin ay kooxdaasi ku lahaayeen agagaarka deegaanka Beera-Yabaal ee gobolka Hiiraan.

Ciidamada howlgalka hogaaminaya, ayaa tilmaamay in ciidamada ay qorsheeyeen howlgaladaasi, islamarkaana ay ku burburiyeen goobo ay ku dhuumaaleysanayeen Al-Shabaab dhowr ka mid ahna ay dileen, iyadoo balan qaaday in ay sii wadi doonaan howlgalada adag ee ka dhanka ah Al-Shabaab inta ay gabi ahaanba ka ciribtirayaan kooxda. Gobolka Hiiraan

Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada beesha caalamka ayaa xoojiyey howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka, taasi oo keentay in ay ka goostaan ​​dagaalyahanada muhiimka ah ee kooxda. Kuwa soo goosta waxaa inta badan lagu qaadaa casharo nafsi ah oo kala duwan ka hor inta aan loo oggolaan inay ku biiraan qoysaskooda iyo asxaabtooda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in howlgallada militari ee ka dhanka ah Al-Shabaab aysan joogsan doonin ilaa laga gaarayo guusha ugu dambeysa isagoo ammaanay askarta dowladda, ciidamada maxalliga ah iyo saaxiibada caalamiga ah ee kooxda ka saaray deegaanno ballaaran iyo deegaanno dhowr iyo toban sano ah ay maamulayeen.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe