Rasaas xooggan ayaa saaka oo Sabti ah ka socota gudaha xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho.
Warar hordhac ah ayaa sheegaya in qarax weyn laga maqlay agagaarka xabsiga, kadibna ay xigtay rasaas weli socota. Labo warar oo is khilaafaya ayaa sheegaya in rag hubeysan ay gudaha u galeen xabsiga, waxaana la sheegay in ilaalada xabsiga ay isku dhaceen maxaabiis hub ku qabtay.
Ciidamada ammaanka ayaa gaaray xabsiga, balse faah faahin dheeri ah lagama hayo dhacdadan.

