Saturday, May 2, 2026
HomeWararDibaddaIsraa'iil oo duqeysay dugsiga Gaza halkaas oo ay ku dishay...

Israa’iil oo duqeysay dugsiga Gaza halkaas oo ay ku dishay 30 falastiiniyiin ah iyadoo wadahadallada xabbad joojinta ay socdaan.

Milatariga Israel ayaa sare u qaaday weerarada marinka Gaza, iyagoo dilay ugu yaraan 77 falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan daraasiin gabbood ka dhiganayay iskuul, mid ka mid ah maalmihii ugu dhimashada badnaa ee go’doonku soo maray toddobaadyadii la soo dhaafay.

Weerarradan oo dhacay Talaadadii ayaa ku soo beegmay xilli Xamaas ay ka digtay in weerarka Israa’iil ee la kordhiyey uu halis gelin karo wadahadallada xabbad-joojinta ee dhexdhexaadinta ah, kaas oo wareeg cusub uu ka bilaabmayo caasimadda Qatar ee Dooxa.

Magaalada Abbasan ee bariga Khan Yuunis ee koonfurta Gaza, ayaa weerar cirka ah oo ay Israa’iil ku qaaday dugsiga al-Awdah, waxa ku dhintay ugu yaraan 30 qof, 53 kalena way ku dhaawacmeen, kuwaas oo u badan haween iyo carruur, sida ay sheegeen dhakhaatiirta Falastiiniyiinta.

Muuqaal gaar ah oo laga soo qaaday iskuulka, oo ay heshay Al Jazeera, ayaa muujinaya dhalinyaro Falastiini ah oo kubad ku ciyaaraya barxadda dhismaha iyadoo daraasiin dad ah ay daawanayaan. Kadibna waxaa la maqlay qarax aad u xoogan, kaasoo dadka u cararaya inay gabaad ka dhigtaan.

Wiil Falastiini ah ayaa Al Jazeera u sheegay in uu ku waayay weerarkaas dhowr qof oo qaraabadiisa ah. “Waan fadhinay oo gantaal ayaa dhacay oo wax walba baabi’iyey,” ayuu yidhi isagoo ooyaya. “Waxaan waayay adeerkay, ilmaadeeraday iyo qaraabaday.”

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay inay eegayaan warbixinta.

Meel kale oo Gaza ka tirsan, ciidamada Israa’iil waxay sidoo kale duqeeyeen xerada Bureij ee badhtamaha, halkaas oo ay ku dileen ugu yaraan 17 qof oo 14 ka mid ah ay carruur ahaayeen. Ciidamada Israel ayaa sidoo kale weeraray guri ku yaala bartamaha Deir el-Balah, halkaasi oo ay ku dileen saddex qof oo kale.

Xamaas ayaa ku tilmaantay weerarkii lagu qaaday dugsiga Al-cawda “kordhinta dagaalka lagu xasuuqayo dadkeena ee ay waddo xukuumadda argagixisada Sahyuuniyadda” waxayna ugu baaqday dadka ku dhaqan dalalka Carabta iyo kuwa Muslimiinta inay kordhiyaan dibadbaxyada looga soo horjeedo dagaalka.
Josep Borrell, oo ah diblumaasiga ugu sarreeya Midowga Yurub, ayaa sidoo kale cambaareeyay weerarka, isagoo ku yiri qoraal uu soo dhigay X, “Intee in le’eg ayay dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ay qaadi doonaan dhibaatada ugu weyn ee iskahorimaadkan?

Waxa uu intaa ku daray, “Waa lagama maarmaan in si deg deg ah loo gaaro xabbad joojin si loo nasiyo boqolaal rayid ah oo go’doonsan, lana soo daayo dhammaan la haystayaasha, lana gaarsiiyo gargaarka bini’aadantinimo ee loo baahan yahay.

Dib u cusboonaysiinta xabbad joojinta
Weeraradan ayaa imaanaya iyadoo agaasimaha CIA William Burns iyo madaxa Mossad ee Israel David Barnea ay isku diyaarinayaan inay u safraan Qatar Arbacada, ka dib markii Burns ay wadahadalo kula yeesheen madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi magaalada Qaahira, iyaga oo doonaya inay riixaan xabad joojinta Gaza.

Dadaalka soo cusboonaaday ayaa yimid ka dib markii Xamaas ay samaysay tanaasulaad usbuucii hore, oo ay ku jirto inay meesha ka saarto dalabkii muhiimka ahaa ee ahaa in Israa’iil ay ka dhabeyso joojinta dagaalka ka hor inta aysan saxiixin heshiis xabad joojin ah. Taa beddelkeeda, Xamaas waxay sheegtay inay ku riixi doonto tallaabada wada-xaajoodyada la qorsheeyay inta lagu jiro xabbad-joojin lix toddobaad ah oo billowga ah.

Laakiin Ismail Haniyeh, oo ah hogaamiyaha kooxda, ayaa sheegay Isniintii in weerarka sii kordhaya ee Israel uu halis galiyay wadahadalada waqti xasaasi ah oo ay ku soo celin karto wada xaajood “dib u soo noqosho”.

Haniyeh, oo la hadlay dhexdhexaadiyeyaasha Qatar iyo Masar, ayaa soo saaray bayaan uu kaga digayo “masiibada xun ee ka dhalan karta waxa ka socda magaalada Gaza, Rafah iyo meelaha kale ee marinka Gaza”.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo “ciidankiisu ay si buuxda mas’uuliyadda uga saaran tahay burburka waddadan wada xaajoodka”.

Dhanka kale, waqooyiga magaalada Gaza, dadka deegaanka ayaa sheegay in taangiyada Israa’iil ay ku soo qulqulayaan xaafadaha Tal al-Hawa, Shujayea iyo Sabra, iyagoo garaacaya waddooyinka iyo dhismayaasha, kuna qasbay inay ka cararaan guryahooda. Waxaa xigay amarro militariga Israa’iil oo ah in laga guuro dhowr degmo oo ku yaalla bariga iyo galbeedka magaalada Gaza oo lagu baahiyay baraha bulshada, kuwaas oo ay ku jiraan xaafadahaas.

Bisha Cas ee Falastiin ayaa sheegtay in shaqaalaheeda ay ka heleen magaalada Gaza daraasiin wicitaano ah oo bini’aadanimo balse ay awoodi waayeen in ay caawiyaan sababtoo ah duqeynta halkaas ka dhacday oo aad u xooganeyd.

Garabka hubaysan ee Xamaas iyo xulafadooda, Islamic Jihad, ayaa sheegay in dagaalyahannadooda ay ku garaacayeen ciidamada Israa’iil qoryaha darandooriga u dhaca, rasaasta hoobiyeyaasha iyo gantaalaha lidka taangiyada, iyagoo dhimasho iyo dhaawac ku noqday askarta Israa’iil. Militariga Israa’iil kama aysan hadlin khasaaraha ka dhashay dagaalka balse waxay sheegeen in askartooda ay dagaal afar geesood ah kula jireen dagaalyahannada Xamaas.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe