Dagaal beeleedyo xooggan oo ka dhacay gobolka Mudug ee Soomaaliya ayaa waxaa ku barakacay in ka badan 5,820 qof, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR. Rabshadahaas oo ka dhex qarxay beelaha Sacad iyo Lelakase, ayaa afartii bilood ee u dambeeyay saamayn xooggan ku yeeshay dadka deegaanka iyo kaabayaasha dhaqaalaha.
Colaaddan oo ka dhalatay muran ka dhashay ceel biyood ku yaalla tuulada Jiicboor ee degmada Galdogob ayaa gaartay heerkii ugu sarreeyay muddo shan maalmood ah dabayaaqadii bishii June. Rabshadahaasi ayaa sababay in ay carqaladeeyaan nolosha tuulooyin dhowr ah oo ay ka mid yihiin Xasaasaale, Laan-calawo, Buulalay, Taaroge, Miigaagta, Laan-waalay, Kal-miigaag, Ina-dhabaray Jiicboor, Nugaal-gibin, Jiingada, Dhuxul-Shidka, Laama Ari. Guud ahaan, 970 qoys ayaa barokacay, iyada oo qoysasku ay magangelyo u tageen tuulooyinka deriska ah oo ay ku jiraan xaalado adag.
Iska horimaadka ayaa sidoo kale sababay dhimashada tobonaan dagaalyahan iyo lix qof oo rayid ah oo ay ku jiraan saddex carruur ah. “Xaaladdu wali waa mid aan xasilloonayn, iyadoo ay jiraan walaacyo bani’aadamnimo oo weyn,” ayaa lagu yiri warbixinta UNHCR. Qoysasku waxay ka carareen guryahoodii, iyagoo ka tegay hantidoodii waxayna la kulmeen caqabado badan. Carqaladu waxay saamaysaa waxbarashada carruurta iyo xorriyadda dhaqdhaqaaqa, iyadoo haweenka, carruurta, iyo dadka da’da ah ay si gaar ah u nugul yihiin.
UNHCR ayaa ku baaqday in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka iyo gargaarka bini’aadantinimo ee degdega ah. Mudnaanta muhiimka ah waxaa ka mid ah samaynta miisaska ilaalinta ee 12ka goobood ee martigeliyay dadka barokacay iyo kor u qaadida dadaallada is-ilaalinta ee ay bulshadu waddo. “Khatarta barokac kale oo ay sabab u tahay colaadaha qabaa’ilka ayaa weli taagan,” ayaa lagu yiri warbixinta, iyadoo xooga saaraysa baahida loo qabo jawaab-celin bani’aadamnimo oo isku xiran.

