Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu xusayo sanadguuradii 1-aad ee ka soo wareegatay markii ay xornimada qaateen gobolada Koonfureed ee dalka Soomaaliya oo ay xornimada ka qaateen gumeystihii Talyaaniga iyo israacii Gobollada Waqooyi iyo Koonfur.
Kowda Luuliyo waxaa loo dabaaldagayaa Midnimada Waqooyiga iyo Koonfurta Soomaaliya , waxaana laga xusayaa guud ahaan dalka iyo dibadda dhammaan shacabka Soomaaliyeed.
Munaasabad lagu xusayo sanadguurada 64-aad ee ka soo wareegatay maalintan ayaa hadda ka socota magaalada Muqdisho, taasoo si heer sare ah loo soo agaasimay.
Maanta ayaa dalka Soomaaliya waxaa ka furmaya xuska xoriyadda dalka Soomaaliya, waxaana xalay saqdii dhexe lagu qabtay magaalada Muqdisho munaasabad calanka lagu saarayo.
Munaasabad ballaaran oo lagu xusayay 64-aad ee maalinta xorriyadda ayaa xalay lagu qabtay Villa Soomaaliya, iyadoo madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana saqdii dhexe ee xalay saqdii dhexe laga taagay calanka dalka, iyadoo kadibna lagu soo bandhigay suugaanta calanka iyo astaanta calanka. munaasabadda taariikhiga ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay munaasabadda xuska 64-aad ee ka soo wareegatay markii ay xornimada qaateen Gobollada Koonfureed iyo israacii Waqooyi iyo Koonfur ee Soomaaliya. Munaasabadan ayaa ahayd mid xasuusin mudan adkeysigii iyo wadajirkii ummadda Soomaaliyeed, taariikhdooda hodanka ah iyo rajada ay ka qabaan mustaqbal nabad iyo barwaaqo ah.
Waxaa maanta xiran qaar ka mid ah waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamada dowladda Federaalka ay diideen in gaadiidka noocyadiisa kala duwan ay maraan goobaha xaddidan.
Isku socodka dadka iyo gaadiidka ayaa hakad ku jira, waxaana xitaa loo diiday dadka shacabka ah inay maraan goobaha xaddidan sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka laga soo celiyay wadooyinka xiran.
Ciidanka ayaa sidoo kale soo bandhigaya dhoolatus cajiib ah oo ay ku muujinayaan qiimaha ay u leedahay maalinta xoriyada dalka, taasi oo ka socota Taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi lagu arkayaa gaadiidka dagaalka iyo ciidamada oo ku duulaya.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay ka qayb-galay munaasabadda calanka oo habeenka 1-da Luulyo oo ku beegan sannad-guuradii 64-aad ee ka soo wareegtay markii ay xornimada qaateen gobollada Koonfureed iyo israacii labada gobol. ee Waqooyiga iyo Koonfurta Jamhuuriyadda Soomaaliya.
“Hambalyo umadda Soomaaliyeed sanad guurada 64-aad ee ka soo wareegatay markii ay xornimada qaateen gobolada koonfureed ee dalka iyo israacii labada gobol, habeenkii xoriyada iyo midnimada 1-da Luulyo 1960-kii”. Ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo ka qeyb galayay Munaasabadda Calanka oo xalay kowdii Luulyo
Sida ay ummaddu u rajaynayso mustaqbalka, muhiimadda ay maalintani leedahay lama ilaawi doono. Xuska 64-aad ee maalinta xorriyadda ayaa ah mid xasuusin xooggan u ah socdaalkii uu dalku soo maray, caqabadaha uu ka soo gudbay, iyo awoodda uu mustaqbalka u yeelan karo kobac iyo barwaaqo.

