Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax aad u xoogan ismiidamin ahaa oo jugtiisa si weyn looga maqlay dhamaan xaafadaha magaalada Baledweyne oo ka dhacay xaafada Howlwadaag ee Galbeedka Baledweyne.
Qaraxaan oo dhacay gabal dhacii maanta ayaa ka dhacay meel u dhaw Xero ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS ay ku lahayeen Xaafada Howlwadaag.
Ugu yaraan lix qof oo ay ku jiraan askar militariga Soomaaliya ka mid ah ayaa lagu dilay qarax galabta ka dhacay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan halka ugu yaraan 10 kalena ay ku dhaawacmeen.
Gudoomiyaha degmda Baledweyne Cumar cismaan Calasow oo ka hadlay qaraxaas ayaa sheegay in qaraxaas loo adeegsaday gaari Home ama Caasi ah kaas oo qof naftiisa haligay uu waday.
Gaariga ayaa soo istaagay goob u dhow saldhig ay maanta ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed kala wareegeen ciidanka ATMIS ee ka baxaya Soomaaliya waxaana la ogaaday inuu qarax sido balse wuxuu u cararay dhinaca suuq ay dad shacab ah ku sugnaayeen halkaas ayuuna ku qarxay.
Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay waxaa ku jirta askartii dooneysay inay qaraxa fashiliyaan dhaawacyadu ay aad u badan yihiin balse waxaa la xaqiijiyey dhimashada lix qof oo askar ay ku jirto.
Dadkii dhaawacmay ayaa loola cararay isbitaallada magaalada baladweyne waxaana saacadaha soo socda lagu wadaa in Muqdisho la geeyo dhaawacyada daran xaaladda magaalada Beledweyne ayaa caawa cabsi badani ay ka jirtaa.
Ciidamada amniga ayaa muujinaya feejignaan dheeri ah maamulka degmada iyo shacabka ayaa dhaawacyada u fidinaya gurmad xoog leh.
Inkastoo dad badan oo lix qof gaaraya ay dhinteen tobaneeyo kalena ay dhaawacmeen hadana waxaa uu qaraxaas uu burburiyey dhul aad u baacad weyn maadaama uu qarxay gaari weyn oo Caasi ah.
Ugu dambeyntii qaraxaan galabta ka dhacay afaafka hore ee xerada ciidamada Jabuuti ku lahayeen Xaafadaas ayaa kusoo beegmaya, iyadoo maanta askartii ugu dambeysay ee ciidanka Jabuuti isaga guureen xeradaas, islamarkaana ay la wareegeen xerada ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka.

