Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax barqanimadii maanta ka dhacay gudaha degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, kaas oo dhaliyay khasaare u badan dhaawac.
Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lasoo wariyay in loo dhigay sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada dowladda oo magaciisa lagu sheegay Laba Xidigle Abshir Shaacifi, kaas oo ka badbaaday weerarka.
Faaaahino dheeraad aha ayaa ka soo baxay qaraxa ay ku dhaawacmay qaar kamid ilaada la socotay sarkaalka oo ka dhacaydegmada Kaxda , kuwaas oo haatan lagu dabiibayo mid kamid ah isbitaallada magaalada Muqdisho.
Dhinaca kale waxaa maanta degmada Kaxda ka dhacay dibad-bax ay dhigeen qaar kamid ah dadka deegaanka, kaas oo looga soo horjeeday guddoomiyaha degmadaasi.
Caasho Daahir oo kamid ah dadka deegaankaoo uga warantay warbaahinta xaaladda ayaa sheegatay in dibad-baxooda ay uga soo horjeedaan aflagaado ay sheegtay in guddoomiyaha uu u gaystay odayaasha dhaqanka ee degmada.
Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada oo ku aadan eedeynta loo jeediyay iyo xaaladda ka taagan halkaasi degmada Kaxda.

