Sunday, April 26, 2026
HomeWararDibaddaSaraakiisha ammaanka oo beeniyay khatarta Daacish ee ku soo korortay Maamul Goboleedka...

Saraakiisha ammaanka oo beeniyay khatarta Daacish ee ku soo korortay Maamul Goboleedka Puntland.

Maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya ayaa beeniyey warar tilmaamaya in kooxda Daacish ay khatar ku tahay Puntland, ka dib markii dhawaan Maraykanku duqaymo la beegsaday hoggaamiyaha kooxdaas ee Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka Puntland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in hadda aysan jirin khatar amni oo kaga imaan karta dhanka dowladda Islaamiga ah ee ka arrimisa deegaanada Puntland, inkastoo kooxda Daacish ay ku sugan yihiin deegaano ka tirsan gobolka Bari.

Saraakiisha ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan wararka sheegaya in madaxa kooxda Daacish ee Soomaaliya, Cabdulqaadir Muumin, lagu bartilmaameedsaday duqeyntii Mareykanka ka geystay Puntland bishii hore.

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray 31-kii bishan ku sheegay in duqeyn cirka ah oo ka dhan ah kooxda Daacish ay ka fuliyeen deegaan fog oo 81 KM dhanka Koonfur Bari kaga beegan magaalada Boosaaso, halkaasi oo ay ku dileen 3 dagaalyahan. Qoraalka AFRICOM laguma sheegin cidda la beegsaday ama la dilay.

Si kastaba ha ahaatee, saddex sarkaal oo Maraykan ah ayaa sheegay in Muumin uu ahaa bartilmaameedka howlgalkaas, inkastoo aan la xaqiijin dhimashadiisa.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe