Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya Saalax Shariif Sayid-Cali, ayaa beeniyay inuu jiro khilaaf u dhaxeeya Madaxda sare ee Wasaaradda iyo qaar ka mid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed.
Sayid-Cali oo wareysi gaar ah siiyay Shabelle ayaa sheegay in aysan jirin wax khilaaf ah oo u dhaxeeya Aqoonyahanada iyo Wasiir Mukhtaar Roobow oo maalmihii u dambeeyay uu la kulmayay dhaliilo xoogan.
“Waxaa dhici karta in dhibaato ay dhacdo,taasna waxaa xalin doona hoggaanka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya”ayuu yiri Sayid-Cali.
Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo wasaaraddu ay hadda ku howlan tahay arrimaha xajka, iyadoo qaar ka mid ah culimada ay dhaliileen habka loo maamulayo howlaha xajka.

