Saturday, July 4, 2026
HomeWararDibaddaCiidamada Koonfur Galbeed oo howlgal ku dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab.

Ciidamada Koonfur Galbeed oo howlgal ku dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab.

Ciidamada daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa maanta howlgal qorsheysan waxay ka sameeyeen qaybo kamid ah gobolka Baay.

Howlgalkan oo ka dhacay deegaanka Ufurow ayaa waxaa lagu beegsaday xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaankaasi.

Koonfur Galbeed oo war kooban kasoo saartay howlgalka ayaa sheegtay inay ku dishay ugu yaraan 5 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, isla markaana ahaa bartilmaameed.

Sidoo kale saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa sheegay warbaahinta inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda halkaasi.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada maamulka Koonfur Galbeed.

Baay iyo Bakool ayaa waxaa haatan ka socda guluf ka dhan ah Al-Shabaab oo ku xoogan gobolladaas oo dhaca Koonfurta Soomaaliya.

QORAALADA LA XIRIIRA

33 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe