Maamulka Koonfur Galbeed ayaa si cad u diiday qorshaha dowladda federaalka Soomaaliya ay ku dooneyso in ciidamada Itoobiya dalka looga saaro dhamaadka sanadka 2024-ka.
Wasaaraddu waxay qiratay doorka ay ciidamada Itoobiya ku lahaayeen ka guurista hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), oo ah hawl-gal nabad ilaalineed oo caalami ah. Si kastaba ha ahaatee, waxay carrabka ku dhufatay muhiimadda ay ciidamadani u leeyihiin sugidda amniga iyo la-dagaalanka Al-shabaab, iyagoo si weyn uga soo horjeestay inay gabi ahaanba isaga baxaan.
Khilaafkan ayaa sii xumeynaya xiisadda ka dhex aloosan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed iyo dowladda federaalka, gaar ahaan kuwa Itoobiya ee hadda ku sugan gobollada Baay iyo Bakool. Ciidamadan ayaa isugu jira kuwa ATMIS ah iyo kuwa aan ahayn ATMIS oo ka hoos shaqeeya Wasaaradda Difaaca Itoobiya. Waxaa socda wada tashiyo ku saabsan mustaqbalka ciidamada ATMIS, iyadoo looga hadlayo arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha, iyo farsamada.
La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Sheekh Cali ayaa yiri, “Mawqifkayaga ku aaddan doorka Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF) ee howlgalka ATMIS-ka kadib waa mid aan mugdi ku jirin. Inta ay Itoobiya ku sii adkaysanayso in ay ku xad-gudbi doonto madax-banaanidayada, madaxbanaanida dhulkeena, iyo madax-banaanida siyaasadeed, uma qaadan karno, una qaadan mayno in ay saaxiib la tahay horumarinta nabadda iyo ammaanka gobolka.”
Iyadoo aan la hubin mustaqbalka ciidamada Itoobiya, Soomaaliya waxay isla mar ahaantaa kala xaajoonaysaa saaxiibada caalamka in la geeyo ciidamo caalami ah, gaar ahaan Uganda, Kenya, Burundi iyo Djibouti, si ay uga howlgalaan Soomaaliya hal sano laga bilaabo Janaayo 2025.

