Tuesday, August 11, 2026
HomeWararDibaddaWararkii ugu dambeeyay Gaari ay la socdeen dad shacab ah oo lagu...

Wararkii ugu dambeeyay Gaari ay la socdeen dad shacab ah oo lagu rasaaseeyay gobolka Galgaduud.

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay maanta maleeshiyaad hubeysan ka gaysteen duleedka degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud.

Maleeshiyaadka ayaa waddada u galay gaari ay la socdeen dad shacab ah, waxayna ku fureen rasaas, taas oo dhalisay dhaawaca saddex qof oo kamid ah rakaabka la socday gaariga.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in maleeshiyaadka weerarka gaystay ay goobta isaga baxsadeen, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka Galmudug.

Dhacdadan ayaa la xiriirinayaa dagaal beeleedyada ka socda qaybo badan oo kamid ah gobollada dhexe ee dalka, kuwaas oo saameyn ku yeeshay dadka deegaankas ku nool.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa aagga degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe