Tuesday, August 11, 2026
HomeWararDibaddaXildhibaano ka tirsan baarlamaanka Kenya oo gaaray magaalada Muqdisho.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Kenya oo gaaray magaalada Muqdisho.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka dalka Kenya ayaa saaka soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Wasiirka Amniga Gudaha Somalia, C/llaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo ay wehliyaan Wasiiro, Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale ayaa soo dhaweeyay xubno ka tirsan baarlamaanka Kenya oo soo gaaray Muqdisho.

Dhinaca kale, Xildhibaanada soo gaaray Muqdisho ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaan Aadan Daa’uud Maxamed oo ka tirsan Baarlamaanka Kenya, Ugdoon Siyaad Kunno, Deeqow Maxamed Barrow.

Ugu dambeyn, xubnaha baarlamaanka Kenya ayaa booqan doona Muqdisho si ay ula kulmaan madaxda dalkaas, xildhibaanno, iyo qaybaha kale ee bulshada.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe