Tuesday, June 23, 2026
HomeWararDibaddaCiidamada dowlada oo gacanta ku dhigay nin dhawaan gubay xaaskiisa.

Ciidamada dowlada oo gacanta ku dhigay nin dhawaan gubay xaaskiisa.

Howlgal qorsheysan oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada Booliiska, Nabadsugida iyo kuwa difaaca dadweynaha ayaa lagu soo qabtay galabta Sayid Cali Macalin Daa’uud oo ah ninkii dhawaan Xaaskiisa oo xaamilo aheyd ku gubay gudaha magaalada Muqdisho.

Howlgalka lagu soo qabtay ninkaan Xaaskiisii gubay ayaa ka dhacay deegaanka Cadeyleey oo uu ku dhuumaaleysanayay ninka gubay Xaaskiisii oo lagu magacaabi jiray Luul Sheekh Cabdicasiis.

Ciidamada is garabsanaya ayaa sidoo kale gacanta kusoo dhigay laba nin oo kale oo eedeyaanaha ka gacan siinayay inuu ku baxsado doon, kuwaas oo laga soo qabtay deegaanka Gawaan ee gobolka Mudug.

“Maanta 05 Feb 2024 waxaa gacanta lagu soo dhigay eedeysane Sayid-Cali Macalin Daa’uud iyo laba eedeysane oo gacan ku siinayay in uu cadaalada ka baxsado. Eedeysanayaashaan oo kala ah Ingriis Fanaxeey iyo Cabdirisaaq Macalin Daa’uud Caluuke” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Taliska Booliiska Soomaaliya.

Qoraalka kasoo baxay Booliiska Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu xusay in dadkii qeybta ahaa in gacanta lagu soo dhigo eedeysanaha si gaar ah loogu abaal marin doono abaalmarintii loo balanqaaday.

Talaabadaan lagu soo qabtay eedeysanahaan ayaa waxaa durba si weyn usoo dhaweeyay dadka Soomaaliyeed oo si weyn uga careysna falkii naxdinta badnaa uu ninkaan ku gubay Xaaskiisii oo uur u laheyd.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe