Monday, July 13, 2026
HomeWararDibaddaMaraykanka & Xulufadiisa oo sheegay in duqayn xooggan ay ku beegsadeen Xuutiyiinta...

Maraykanka & Xulufadiisa oo sheegay in duqayn xooggan ay ku beegsadeen Xuutiyiinta Yemen.

War kasoo baxay Maraykanka ayaa lagu sheegay in howlgal culus oo ka dhan ah Kooxaha Xuutiyiinta ee Dalka Yemen oo duqayn ah ay ku beegsadeen goobo kala duwan oo xulufadu ku sheegtay in ay uga jawaabayeen weerarrada dhinaca badda cas ka dhacaya.

Maraykanka oo kaashanaya Dalaka kala ah Australia, Bahrain, Canada & Netherlands ayaa weeraray ilaa 8 goob oo saldhig u ah Kooxaha Xuutiyiinta ee Dalka Yemen balse ma sheegin waxyeellada ka dhalatay weerarkaas.

Xulufada Maraykanka ayaa dhankooda sheegay in goobaha la beegsaday ay yaalleen gantaallo ay adeegsanayeen kooxaha Xuutiyiinta Laakiin ay burburiyeen iyaga oo wadajir isku kaashaday waa sida hadalka ay u dhigeen.

Saraakiil katirsan Xuutiyiinta Yemen ayaa shaaciyay in ay warbixin kasoo gudbinayaan weerarka ciidamada Maraykanka, Ingiriiska & Dalalka kale ee gaashaanbuurta la ah ay ka gaysteen qaybo kamid ah Dalkaas.

Dhinaca kale, Kooxaha Xuutiyiinta ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxa ay weerareen Markab laga leeyahay Maraykanka, mid kamid ah hubkii cuslaa ee ay ku tuureen ayay wararku sheegayaan in uu dab ka kiciyay qayb kamid ah Markabkaas.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe