Sunday, July 12, 2026
HomeWararDibaddaXogta kulanka madaxweyne Xasan Sheekh iyo Cabdilfitaax Alsisi.

Xogta kulanka madaxweyne Xasan Sheekh iyo Cabdilfitaax Alsisi.

Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si meeqaam sare leh uu Madaxweynaha dalka Masar Cabdulfitaax Alsisi ugu qaabilay qasriga madaxtooyada dalkaas ee Al-itixaadiyah.

Alsisi iyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka wada hadlay iskaashiga istiraatiijiyadeed ee labada dal ka dhexeeya iyo xaaladda gobolka geedka Afrika gaar ahaan damaca Ethiopia ku doonayso inay saamayn ku yeelato marin biyoodka badda cas, iyadoo xeebaha Soomaaliyeed doonaysa inay u marto.

Masar oo xurguf kala dhexeyso Ethiopia oo ay isku hayaan wadaagga biyaha wabiga Nile, waxay doonaysaa inay xoojiso iskaashiga kala dhexeeya Soomaaliya, si ay cadaadis u saarto Ethiopia, halka Soomaaliya oo ka soo kabanaysa dagaal sokeeye iyo dagaal argagixiso ay doonayso inay Masar la kaashato ilaalinta xeebaha dalka oo cadow badan u dayacan.

QORAALADA LA XIRIIRA

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe