Sunday, August 23, 2026
HomeWararDibaddaMaxkamadda sare ee Puntland oo diiday go'aankii isimmada SSC- Khaatumo ku diideen...

Maxkamadda sare ee Puntland oo diiday go’aankii isimmada SSC- Khaatumo ku diideen inay so xulaan xildhibaannada

Maxkamadda sare ee Puntland ayaa diiday go’aankii kasoo baxay isimmada SSC- Khaatumo, kuwaas oo sheegay in aysan xildhibaano u xulidoonin maamulka Puntland.

Warsaxaafadeed uu soo saaray guddoomiye ku xigeenka maxkamadda sare, ayuu ku sheegay in go’aanka ay gaareen Isimmada SSC- Khaatumo uusan waafaqsanayn habraaca loo marayo kala kala gurista labada maamul.

Guddoomiye ku xigeenku wuxuu sheegay in Puntland ay xaq u leedahay in xildhibaannada lagusoo xulo qaabkii horey loogu soo xuli jiray, isagoo sheegay in doorashada ka dib xal laga gaaridoono go’aanka isimmada SSC-Khaatumo.

Wuxuu sheegay haddii isimmadu soo xuli waayaan in xildhibaannadii horey u joogay ay noqon doonaan kuwa sharciga ah ee sii shaqayn doono inta laga dhameystirayo hannaanka doorashada Puntland.

QORAALADA LA XIRIIRA

2 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe