Friday, June 19, 2026
HomeWararDibaddaHaweeney madhasho lagu cayn jiray oo 70 jir carruur mataano ah ku...

Haweeney madhasho lagu cayn jiray oo 70 jir carruur mataano ah ku dhashay !

Haweeney 70 sano jir ah oo u dhalatay dalka Uganda ayaa dhashay ilmo mataano ah, kadib markii lagu beeray ilmo, sida laga soo xigtay isbitaal ku yaala dalka Uganda.
Safina Namukwaya, ayaa umushay wiil iyo gabar kadib markii ay qaliin ku martay isbitaalka Kampala. Waa markii labaad muddo saddex sano ah oo ay umusho. Sanadkii 2020-kii, ayay dhashay gabar.
Haweeneydaan oo ka mid kamid ah dadka da’ada ah ee dhalay, ayaa warbaahinta maxaliga u sheegtay in tani ay ‘mucjiso’ tahay.
Waxay sheegtay inay dooneysay inay ilmo dhasho, kadib markii sida ay sheegtay lagu cayn jiray ‘madhasho’.

Sannadkii 2019-kii, haweeney 73 sano jir ah oo ku nool dalka Hindiya ayaa dhashay ilmo mataano ah, kadib markii iyaduna ilmo lagu beeray.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe