Thursday, May 7, 2026
HomeWararDibaddaXaalad Bani'aadanimo oo ka taagan degmada Bardaale ee gobolka Baay

Xaalad Bani’aadanimo oo ka taagan degmada Bardaale ee gobolka Baay

Wararka ka imaanaya degmada Bardaale ee gobolka Baay ayaa sheegaya in halkaasi ay ka jiraan xaalado nololeed oo aad u adag oo lasoo gudboonaatay dadka ku nool degmadaas.

Roobab mahiigaan ah oo ay ka dhasheen daadad xoogan ayaa xiray dhamaan wadooyinka muhiimka ah ee soo gala degmada, taasoo sii adkeysay xaalada nololeed ee dadka ku dhaqan Bardaale.

Masuuliyiin kala duwan oo isugu jira heer fedaraal iyo heer dowlad goboleed ayaa walaac xoogan ka muujiyay xaalada nololeed ee ka taagan degmada Bardaale ee gobolka Baay.

Masuuliyiinta ayaa ku baaqay in gurmad deg deg ah lala gaaro shacabka ku dhibaateysan degmada Bardaale iyo nawaaxgeeda.

Magaalada Bardaale waxay ka mid tahay degmooyinka maamul goboleedka Koofur Galbeed ee sida weyn u saameyeen daadadka ka dhashay roobka Dayrta ah ee haatan ka da’aya inta badan gobolada dalka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe